Start An Online Store

Dunida maanta waxee u gureysa ama horay ugu guurtay Internetka qarniga 21 dunida waa wada digital, bilaabidda fikrado iyo mashaariicyo guul leh, waxaana sidoo kale shaki ku jirin bilaabidda dukaan online ah in ka mid tahay mashaariicda ugu guulaha badan wakhtiyadan danbe, waana waxa aynu ka hadlaynaa maanta illah idinkiis.

Sidee Lacag looga Sameyaa Online

WAA MAXAY DUKAAN ONLINE/ONLINE STORE?

Dukaanka online-ka ah waa website ay macaamiishu booqan karaan, iyagoo iibsan karaan adeegyada lagu bixiyo website/store kaas.
Dukaanka online-ka ah wuxuu ku shaqeyn karaa noocyada kala duwan ee ganacsi sida Business to Customer (B2C), Business to Business (B2B) ama Customer to Customer (C2C). Haddii aad leedahay mehrad ama dukaan, ama aad tahay adeeg bixiye, waxaad mehradaada ama ganacsigaaga u badali kartaa qaab online ah, iyadoo kaliya kaaga baahan maalgashi yar.

https://youtu.be/ogfz3xlTALQ?si=ktUN03R2bDw7LJfv

SIDEE LOO BILAABA DUKAAN ONLINE AH?

  1. Dooro fikradaada ganacsi
  2. Samee analys
  3. Sameso logo
  4. Dhis Website
  5. U samee digital marketing.

FAA’IIDOONYINKA UU LEEYAHAY DUKAANKA ONLINE KA AH

Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, “Maxaan ka faa’idayaa dukaanka online-ka ah, anigoo furan kara mid maxalli ah? ama waa maxay faa’iidooyinka uu dheeryahay dukaanka online-ka ah?

1.Helitaanka: Haddii ganacsigaagu uu online yahay, macaamiishaadu waxay wax ka iibsan karaan dukaankaaga
online-ka ah meel kasta oo ay joogaan. Si kale haddii loo dhigo, dukaankaaga online-ka ah ayaa laga
heli karaa goob kasta iyo goor kasta oo la joogo.

2.Kharashka lagu bilaabayo oo yar: furitaanka dukaanka online-ka ah waxay suurtagal u tahay heerar aad u
macquul ah oo uma baahna maalgashi weyn oo bilaw ah.

3.Soo koobidda wakhtiga: furitaanka dukaanka online-ka ah wuxuu u soo koobayaa ama uu u badbaadinyaa wakhti
badan oo ay ku lumin lahaayeen shaqada, hadii uu maxalli ahaan lahaa ganacsigu.

4.Korodhka Iibka: Wuxuu kodhinayaa iibka waliba si aan xad lahayn, waxaana dhici karta in kun qof ama 5 kun oo
qof ay hal mar wax wada iibsan karaan, taas oo aan suurtagal ka ahayn ganacsiga maxalliga ah, oo uu u
baahanayo shaqaalooyin badan.

5.Soo bandhigidda tiro badeecado/adeegyo aan xad lahayn: dukaanka online-ka ah waxaa lagu soo bandhi karaa
badeecado aan xad lahayn, taas oo uu u suutagalinaysa in ay macaamiishu iibsadaan waxa ay rabaan.

https://ehel.online/sida-ugu-fudud-online-lacag-looga-sameyo/

DHAMAAD

Waxaan jognaa guntii iyo gunaanadkii waxaan kugu dhiri gelinayaa inaa ka faidesato waqtigada guul ku rajayna Illah idinkii insha allah. THANK YOU YOUR VISIT.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *