E-COMMERCE (Noocyada Ganacsiga Caaamiga)

Horumarka tignoolajiyada iyo farsamada casriga ah ee dunidu ka marag kacayso wakhtigan xaadirka ah iyo sidee technology yada u badashay dunida casriga gaar ahaan qarniga 21, waxa si saaid ah usoo caan baxay ganacsiga e-commerce-ga ah, noocyada ganacsiga e-commerce na aad ayay u faafeen iyada oo internet-ka iyo baraha bulshadu ay aad ugu baahdeen lagana faidesanayo ilbaxnimada, isla markaana ay aad u bateen isticmaaleyaasha telefoonnada. iyo baraha bulshada.

Halka, sida lagu sheegay cilmi-baadhisyo laga sameeyey adduunka oo dhan, celceliska isticmaalka telefoonnada gacanta ee qofkasta uu gaadho 7 saacadood maalintii, taasina waxay door weyn ku lahayd kordhinta muhiimada ganacsiga e-commerce ah, ma aha mid shakhsi ahaaneed oo keliya, sidoo kale waxay muhiim u tahay shirkadaha. iyo bulshada in ganacsigada laga helo internetka, waana tan ka dhigtay inay jiraan noocyo badan oo ka mida ganacsiga e-commerce ah.

Inta aynaan ogaan noocyada ganacsiga e-commerce-ga ah, waa in aan ogaanno waxa loola jeedo ganacsiga e-commerce ah iyo faa’iidooyinka uu leeyahay iyo sidoo kale muhiimadda weyn ee uu leeyahay iyo sida magaciisa u fiday.

Maqaalkan o video ah: https://youtu.be/1Ffx8ou1luk?si=tUeGjsCOyIRQddqq

Maxaa la dhaha E-Commerce?

Erayga e-commerce waa erey nagu cusub dhammaanteen, laakiin waayadan dambe aad buu u faafay oo dhagahayna wuu ku batay.

Waa ganacsi ama adeeg, iyadoo la isticmaalayo internetka, waxaana ka mid ah iibka(buy) ama wax iibsiga(sell) ama bixinta adeegyada(survice) iyo macluumaadka. ehel waxee ka mid tahay kuwa bixiya macluumaadka.

Noocyada Ganacsiga caalamiga(e-commerce)

1.Ganacsiga B2B: Waa mid ka mida noocyada ganacsiga e-commerce ah loona jeedo Businesss to Business(Ganacsi-Ganacsi) waa ganacsi u dhaxeya shirkad iyo shirkad ama dukaan iyo dukaan,waa nooc kamida noocyada ganacsiga caalamiga.

Ganacsigan ayaa salka ku haya in shirkadi ay shirkad kale siiso badeecado ama adeegyo.

2.Ganacsiga B2C: waxaa loola jedaa Business to Customer (ganacsi-macamiil) waana nooc kamida noocyada ganacsiga caalamiga.

Ganacsigan ayaa salka ku haya in shirkadi ay macaamiisheeda siiso badeecado ama adeegyo.

3.Ganacsi C2B: waxaa loola jedaa Customer to Business (macamiil-ganacsi) waana nooc kamida noocyada ganacsiga caalamiga, ganacsigani maaha mid caan ah oo dad badankoodu ay garanayaan.

Waxuu aad u fiday wax yar ka dib markii fikradda ganacsiga e-commerce ah ay ku faaftay internetka.

Ganacsiga noocaan ah waxaa sameeyaa in shirkadaha iyo ganacsatada loo soo bandhigo adeegyada ama badeecadaha ay macaamiishu u baahan yihiin, wadan keena kuma badna nuucan ganacsi.

4.Ganacsiga C2C: Waa nooc kamida ganacsiga e-commerce, fikrada ganacsi oo looa jeedo Customer to Customer (macmiil-macmiil) waa ganacsi cusub.

Ganacsigan ayaa ka mid ah noocyada ganacsiga elegtarooniga ah ee dhexmara qofka macamiilka ah iyo macmiil kale, Waxayna tani ku dhacday faafitaanka wax iibinta internetka iyo baraha bulshada dartayd.

5.Ganacsiga B2G: Waxaa loola jeeda Business To Government(Ganacsi-Dowlad) Ganacsigani ayaa u dhaxeeya Shirkadaha Ganacsiga iyo Dowlada iyadoo adeegyada ay bixiyaan shirkadaha ay sigaara adeeg ugu qoondeyan hay adaha dowliga.

Ganacsiga noocana wuxuu u baahan yahay in dawladuhu ay kala heshiiyaan shirkadda si ay u sameeyaan shabakad dawladeed.

6.Ganacsiga G2B: Waa loola jedaa Government to Business(Dowlad-Ganacsatada) ganacsigani waxuu dhex maraa ha’adaha dowlada iyo shirkadaha ganacsiga waa mid ka duwan kan BtoG midkani waxuu salka ku hayaa lacag bixinta.

Sida qof ama hay’ad marka uu lacagta hay’ada dawladda ku bixiyo qaab online ah, shirkadaha lacag-bixinta waxay helaan boqolkiiba lacagtan, Sidaasina ayuu u dhacaa ganacsiga noocaan ahi.

Halkaan ka daalaco farqiga u dhaxeeya ganacsiga online ka iyo kan cadiga

https://ehel.online/ganacsiga-online-ka-vs-ganacsiga-offline-ka/

DHMAAD

Waxaan rajaynaa inaa wax badan ka faiday maqaalkan/article kan, waxaa lagaa rabaa markii si dagan u aqrisay kadib inaa doorato kan ku anfacaya qarashaadkisana aad heli karto waxaan ku rajaynaa guul illah idinkiis Insha allah. THANK YOU YOUR VISIT

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *