LACAG KA SAMEEY BLOGGING

Lacag samaynta blogging-ka waa mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan uguna caansan ee internet-ka lacag looga sameeyo, iyagoo xitaa ay jiraan dhalinyaro badan oo soomaali ah oo lacag ka sameeya blogging-ka, taasoo qeexaysa muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay goobtan ku magacaaban “BLOGGING-KA”.

Maqaalkan, waxaan si guud uga hadli doonaa “Lacag Samaynta Blogging-ka“, iyadoo la raacayo tallaabooyin la taaban karo oo wax ku ool ah.

Lacag samaynta blogging-ka waa Duni aad u baaxad weyn, waxayna leedahay waddooyin badan oo lacag looga samayn karo, isla mar ahaantaana la isku haleyn karo.

Mid ka mid ah khaladaadka ugu caansan ee ay galaan dadyowga bilawga ku ah blogging-ka ayaa ah in aysan qeexin wadda ama habka ay lacagta ku samaynayaan, ama inaysan bilawga hore diiradda saarin hal hab oo kaliya, oo ay dhowr hab isku wadaan/ dhowr Topic.

Taasi waa sababta aan u aragno blogging no badan oo si buuxda u joojiyay soo daabacidda maqaaladda, sababtoo ah ma sameeyaan wax dakhli ah/lacag ah.

Waxaa jira siyaaboyin badan oo lacag looga sameeyo blogging-ka sida:

  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Xayaysiisyada.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Freelancing.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Soo Daabacidda Maqaalada.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Affiliate Marketing.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Goobaha Lagu Iibiyo Badeecooyinka Dhijitaalka Ah/survices. Iyo habab kaloo badan.
  • https://youtu.be/3fS3wFauPYw?si=YExYobg2UV4dJGvs

Dib u milicso maqaalada aynu kor kuugu soo xusnay, lacagta looga sameeyo blogging-ka, ka dibna ka fikir oo dooro hababka kugu habboon danahaaga gaarka ah, iyo heerkaaga qoraaleed, iyo si guud ahan ku habboon nolol-maalmeedkaaga shaqo.

Waxaana jira qodobo muhiim ah oo ay tahay inaad sidoo kale marka hore si qoto dheer leh uga fikirto, si aad mustaqbalka u damaanad qaaddo guushaada blogging-ka ah, waxaana ka mid ah dhowrkan qodob Soo socda.

  • Inaad bilawga hore dooratid Topic (nuxur) gaar ah.
  • Inaad hubisid Topic aad dooratay inuu faa’iido leeyahay iyo in kale, iyo inay jiraan dadyow daneeya Topica.
  • Inaad si qoto dheer leh u fahamto dadyowga (sida dhibaatooyinka ay ka cabanayaa, waxyaabaha ay xiiseeyaan, heerkooda aqooneed, iwm).
  • Inaad dib u raacdo, lana socoto wax kasta oo ku cusub Topica aad dooratay.
  • Inaad si joogto ah u wanaajiso hab ka ama qaab qoraalkaaga.

DHAMAAD

Waxaan soo garnay guntii iyo gunaanadkii, hadaba si dagan u aqri maqaalka/Article ka si aad kaga faidesato, waxaan ku rajaynaa inaa si wacan kaga faidesato waqtigada iyo waxii aayahada ku an facaya ILLAH IDINKIIS Insha allah. THANK YOU YOUR VISIT.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *